BNSSG oo ka caafimaad badan

Macluumaadka tallaalka jiilaalka

Hargabka iyo fayrasyada Covid-19 labaduba waa wareegayaan jiilaalkan. Tallaalku wuxuu adiga, dadka aad daryeesho iyo kuwa aad jeceshahayba ka ilaalinaya labada cudurba sida ugu wanaagsan ee suurtogalka ah.

Haddii aad u qalanto hargab bilaash ah ama tallaalka Covid-19, waxaad haysataa ilaa 31 Janaayo 2024 si aad u hesho tallaalka. Ilaa 15 Diseembar 2023, kilinigyo tallaal oo yar ayaa diyaar ah. Guji halkan liiska rugaha caafimaadka ee agagaarkayaga.

Haddii aad u qalanto labadaba tallaalka Covid-19 iyo hargabka, waxaanu si adag kuugu dhiirigelinaynaa inaad qaadato labada tallaalba. Waa ammaan in labadda tallaalba la qaato isku ballan mana jiraan wax saameyn ah oo soo kordhay.

GP-gaaga ama farmashiyaha xaafaddaada waa inay la soo xidhiidhaan si ay kuugu martiqaadaan tallaalka. Waxaad sidoo kale is-sheegi kartaa haddii aad xaq u leedahay tallaal. Faahfaahinta u-qalmitaanka iyo liiska rugaha tallaalka deegaanka ayaa laga heli karaa bogga Qaado Tallaalka Hargabkaaga ama Covid-19 .

 

 

Tani waa warbixintii BBC Points West ee Sebtembar 2023

Su'aalahaagii waa lagaa jawaabay

Waa kuwan jawaabaha qaar ka mid ah su'aalaha muhiimka ah ee tallaalayaasheenna laga weydiiyey hargabka iyo tallaallada Covid-19. Kuwaas waxaa lagu heli karaa 12 luqadood adiga oo gujinaya xiriirka soo socda.

Jawaabaha su'aalaha laga yaabo inaad ka qabto hargabka iyo Covid-19