BNSSG oo ka caafimaad badan

    Si Wanaagsan U Joog Jiilaalkan

    Jiilaalku wuxuu noqon karaa xilli sixir ah laakiin sidoo kale waqti adag ayuu u noqon karaa caafimaadkeena iyo ladnaanteena.

    Cimilada qabowgu waxay ka sii dari kartaa dhibaatooyinka caafimaad ee jira, waxay kordhin kartaa khatarta dhicitaanka waxayna naga dhigi kartaa kuwo aad ugu nugul cudurrada neef-mareenka ee jiilaalka - gaar ahaan dadka da'doodu tahay 65 ama ka weyn ama qaba xaalado caafimaad oo waqti dheer ah sida cudurada wadnaha, neefta ama sonkorowga.

    Dhanka kale walaaca qiimaha nolosha, tusaale ahaan biilasha kululaynta ee bilaha qaboobaha, waxay sidoo kale kordhin kartaa walbahaarka iyo walaaca waxayna saamayn kartaa fayoobida maskaxdeena.

    Nasiib wanaag waxa jira taageero badan oo laga heli karo caafimaadka, golaha iyo adeegyada qaybta iskaa wax u qabso ee Bristol, North Somerset iyo South Gloucestershire (BNSSG).

    Ka baadh bogaggeena si aad u hesho talo waxtar leh iyo isku xidhka ururada kaa caawin kara adiga iyo qoyskaaga inaad si fiican u ahaataan jiilaalkan.